Jamie Carragher oo qaab jees jees ah kaga hadlay burburka ku yimid horyaalka cusub ee European Super League

(Liverpool) 21 Abriil 2021. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ka falceliyey warka ku saabsan ka bixitaanka kooxaha Premier League horyaalka cusub ee European Super League.

Ku dhawaaqista daahfurka horyaalka cusub ee European Super League ayaa sababay xanaaq badan oo taageerayaasha kubadda cagta adduunka ah iyo sidoo kale mas’uuliyiinta xiriirada kubadda cagta ee FIFA iyo UEFA.

Haddaba halyeeyga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jamie Carragher ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, wuxuu soo dhigay sawir maad oo Qabuuro ah, wuxuuna soo raaciyay ereyada ah:

“European Super League”,  waxay dhalatay 18-ka Abriil 2021, waxayna dhimatay 20-ka Abriil 2021.

Waxaa xusid mudan in Jamie Carragher uu weerar ku qaaday maamulka Liverpool kaddib markii lagu dhawaaqay daahfurka horyaalka cusub ee European Super League, maadaama Reds ay ka mid aheyd aas-aasayaasha, isagoo sheegay in go’aanka ay qaadateen maamulka uu yahay mid laga xishoodo, isla markaana uu ceebeeyay halyeeyada kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close