Hordhac: Cadiz vs Real Madrid… (Labadaan kooxood oo barbaro goolal la’aan ah soo galay kulammadoodii ugu dambeeyey horyaalka oo caawa isku dheggan)

(Cadiz) 21 Abriil 2021. Real Madrid ayaa doonaysa inay dardar-geliso tartankeeda hanashada horyaalka La Liga, marka ay u safrayaan Kooxda Cadiz caawa oo Arbaco ah si ay ula soo ciyaaraan kulan ka tirsan horyaalka Spain.

Los Blancos ayaa haddii ay adkaato kulanka caawa waxa ay dhibcaha kala mid noqon doontaa hoggaamiyeyaasha horyaalka Atletico Madrid.

Labada kooxood ee caawa ballansan ayaa barbaro goolal la’aan ah soo galay kulammadoodii ugu dambeeyey, Cadiz ayaa barbaro aan gool la iska dhalin la gashay Celta Vigo, halka Los Blancos ay barbaro goolal la’aan ah la dhaafi weysay Getafe.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain– La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:  Estadio Ramon de Carranza

Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)

Wararka kooxaha:-

Juan Cala oo qaba jug dhaawac ayaa shaki laga galinayaa inuu caawa u ciyaari karo Cadiz, laakiin Mauro ayaa laga yaabaa inuu soo galo daafaca dhexe si uu boos uga helo haddii loo baahdo.

Jairo ayaa la filayaa inuu daqiiqado dheeri ah ka helo oo uu ku bilowdo dhanka bidix ee kooxda martida loo yahay.

Ruben Sobrino waa inuu ku soo laabtaa booskiisa kooxda Cadiz, halkii uu ka soo muuqan lahaa garabka bidix sidii uu sameeyay kulankii ay ka horjeedeen Celta Vigo.

Raphael Varane ayaa taam u noqon kara kulankan kaddib markii uu ka soo laabtay karaantiil ku aaddan Korona Fayras, laakiin sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inuu weli shaki ku jiro.

Nacho ayaa dib u soo laaban doona kaddib ganaax uu la maqnaa, waxaana uu ku soo bilaaban karaa dadabka midig, iyadoo Lucas Vazquez iyo Dani Carvajal ay dhaawacan yihiin.

Casemiro ayaa dhankiisa ganaax uu la maqnaa dib uga soo laabtay, waxaana uu ka soo muuqan karaa khadka dhexe, halka Ferland Mendy shaki laga gelinayo inuu galo daafaca bidix sababo dhaawac la xiriira.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxda Real Madrid ayaan la garaacin 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka La Liga ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

>- Cadiz ayaa guuldarro la kulantay kaliya hal jeer shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga, waxaana ay siddeed dhibcood ka qaateen 15-kii dhibcood ee ugu dambeeyey oo suurogalka u ahaa.

>- Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka La Liga ay la ciyaareen Cadiz – kaasoo yimid kulankii hore ee xilli ciyaareedkaan, weligoodna Los Blancos labo guuldarro oo isku xigta kama soo gaarin Cadiz.

>- Kaddib markii ay 1-0 ku garaaceen Real Madrid horraantii xilli ciyaareedkan, Cadiz waxa ay noqon kartaa kooxdii ugu horreysay ee soo dallacda oo minin iyo marti u garaacda horyaalka kooxda Real Madrid tan iyo Real Burgos fasal ciyaareedkii 1990/91.

>- Tababare Zinedine Zidane ayaa garaacay 27 ka mid ah 28 koxood oo kala duwan ee uu wajahay horyaalka La Liga isagoo Tababare u ah Real Madrid, waxaana uu ku guuldarreysay kaliya inuu garaaco Cadiz.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close