AC Milan oo iyadana go’aan cad ka qaadatay European Super League

(Milano) 21 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee AC Milan ayaa iyaduna war qoraal ah ku xaqiijisay go’aankeeda ku aaddan tartanka European Super League.

Milan ayaa xaqiijisay inay isaga baxday mashruuca Super League, iyadoo sabab uga dhigtay walwalka taageerayaasheeda ay ka qabaan is baddel ku imaada kubadda cagta.

“Codadka iyo walwalka taageerayaasha kubadda cagta ee dunida daafaheeda jooga ayaa si cad u qeexay sida ay uga xun yihiin super League, sidaas darteedna, AC Milan waa inay u dhego nuglaataa codka dadka jecel isboortigan” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay Rosseneri.

Milan ayaa qayb ka ahayd 12 kooxood oo aas-aasay mashruuca kubbadeeda ee European Super League, kaasoo haatan sida muuqata ku guuldarreystay inuu dhaqan galo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close