Muxuu Zidane kaga jawaabay go’aanka ay Real Madrid kaga qayb noqotay aas-aaska European Super League?

(Madrid) 20 Abriil 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa su’aalo laga weydiiyay go’aankiisa ku aaddan in kooxda uu macalinka u yahay ay ka qayb noqotay aas-aasayaasha tartanka cusub ee European League.

Hase ahaatee, Macallin Zidane ayaa iska diiday inuu erey ka dhiibto tartanka cusub, waxaana uu wariyaasha u sheegay inay isaga quseyso kaliya hoggaaminta xiddigaha.

“Waxaan inta u joogaa inaan ka hadlo ciyaarta, ma ahan waxyaabo kale, inta kale ma ahan shaqadeyda” ayuu Zidane ku bilaabay wareysigiisa.

Wariye kale ayaa Zidane weydiiyay aragtida shaqsi ahaaneed ee uu ka qabo arrinta la xiriirta Super League, hase ahaatee, macallinka Los Blancos ayaa mar kale iska diiday inuu arintaas ka hadlo.

“Kuma siinayo aragtideyda” ayuuna ku jawaab celiyay tababaraha Faransiiska ah.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa xubin ka ah kooxaha aas-aasay tartanka European Super League, waxaana uu Zidane iska fogeeyay inaysan isaga quseynin arinta tartankaas la xiriirta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close