Kaddib codeyn maanta la sameeyey, UEFA oo kordhinaysa tirada kooxaha ka qeyb galaya Champions League

(Yurub) 19 Abriil 2021. Guddiga fulinta xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa la soo warinayaa inay u codeeyeen maanta in la kordhiyo tirada kooxaha ka qeyb galaya tartanka Champions League.

Sida ay warinayso Warbaahinta isboortiga guddiga fulinta UEFA ayaa u codeeyey in 36 kooxood ay ka qeyb galaan tartanka Champions League laga bilaabo sanadka 2024.

Waxa uu guddiga fulinta UEFA uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey in tartanka Champions League ay ka qeyb qaadan doonaan 36 kooxood oo kala duwan laga bilaabo bilowga sanadka 2024.

Waxaa Warbixinta lagu sheegay in dadka codeeyey uu ku jiray Madaxweynaha Kooxda PSg ee Nasser al-Khelaifi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close