DEG DEG: Kooxda Tottenham Hotspur oo cayrisay Tababare Jose Mourinho

(London) 19 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa shaqada ka cayrisay Tababaraheedii Jose Mourinho sida ay ku dhawaaqday Spurs goordhow.

Saacado kaddib markii kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ay ku dhawaaqday inay ku biirtay qorshaha horyaalka cusub ee European Super League.

58-sano jirkaan ayaa shaqada Spurs hayey tan iyo bishii November ee sanadkii 2019-kii kaddib markii uu shaqadaas ka beddelay Mauricio Pochettino.

Macallinka reer Portugal ayaa heshiiskisia uu kula jiray kooxda ka dhisan Waqooyiga London waxa uu soconayey illaa dhammaadka xilli ciyareedkan 2023.

Markii uu Mourinho qabtay shaqada Spurs, kooxdu waxay ku jirtay kaalinta 14-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, laakiin wuxuu ku hoggaamiyay iyaga kaalinta lixaad si ay u xaqiijiyaan u soo bixitaanka Europa League.

Kooxda Spurs ayaa bayaan ay soo saartay oo ay ku daabacday website-keeda waxa ay ku shaacisay in Jose Mourinho iyo waaxdiisa shaqada ee kala ah Joao Sacramento, Nuno Santos, Carlos Lalin iyo Giovanni Cerra inay shaqada ka direen, isla markaana kooxda uu sii wadi doonto maanta Ryan Mason.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close