Nketiah oo waqtigii dhimashada guuldarro ka badbaadiyay Arsenal kaddib markii ay bar-bardhac la galeen kooxda Fulham…+SAWIRRO

(London) 18 Abriil 2021. Laacibka da’ada yar ee Nketiah oo waqtigii dhimashada guuldarro ka badbaadiyay Arsenal kaddib markii ay bar-bardhac 1-1 ah la galeen kooxda Fulham, ciyaar ka tirsaneyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Arsenal iyo Fulham ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad kooxda martida aheyd ee Fulham ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Josh Maja, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 0-1.

90+7 daqiiqo kooxda Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhac waxaana 1-1 ka dhigay xiddigooda Edward Nketiah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Arsenal iyo Fulham, kaddib ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Emirates.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close