Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford guul xasilooni leh kaga gaartay kooxda Burnley… +SAWIRRO

(Manchester) 18 Abriil 2021. Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul xasilooni leh kaga gaartay kooxda Burnley, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar ka tirsaneyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood Manchester United iyo Burnley ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Mason Greenwood, waxaana caawinta goolkan lahaa Marcus Rashford.

58 daqiiqo kooxda kubadda cagta Burnley ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay James Tarkowski oo caawin ka helay saaxiibkiis Ashley Westwood.

Daqiiqadii 84-aad Manchester United ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Mason Greenwood oo caawin ka helay khadka dhexe reer France ee Paul Pogba.

90+3 Manchester United ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-1 ka dhigay Edinson Cavani oo caawin ka helay saaxiibkiis Donny van de Beek.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Burnley oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa wali jadwalka kala sareynta kaga jirta booska labaad waxayna leedahay 66 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close