Kaddib maqnaanshaha Valverde ee Kulanka Getafe, Real Madrid oo haysata kaliya 11 ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah marka laga reebo Goolhayeyaasha!

(Madrid) 18 Abriil 2021. Fede Valverde ayaa ka maqnaan doona Real Madrid kulanka caawa ee Getafe, taasoo ka dhigan in Los Blancos ay haysto kaliya 11 ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah marka laga reebo Goolhayeyaasha.

Valverde ayaa seegaya kulanka Getafe kaddib markii la sheegay inuu xiriir la sameeyey qof qaba Korona Fayras, sidaas darteed uu geli doono xaalad karaantiil ah.

Haatan Kooxda Real Madrid ayaa kaliya haysata 11 ciyaaryahan oo naadiga koowaad ah, marka laga tago goolwaleyaasha.

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaxdiisa ku soo darsaday xiddigaha dada’ yar ee Real Madrid Castilla kuwaasoo kala ah; Sergio Arribas, Pablo Ramon, Miguel Gutierrez iyo Antonio Blanco, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan kulanka ay caawa booqanayaan Getafe.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Real Madrid ee diyaarka u ah kulanka caawa:-

Goolhayeyaasha: Courtois, Lunin, Altube

Daafacyada: Militao, Marcelo, Odriozola, Chust,Ramon, Gutierrez

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Isco, Arribas, Blanco

Weerarka: Benzema, Vinicius, Asensio, Rodrygo, M.Diaz

Xiddigaha Karaantiilka ku jira:-

Valverde iyo Varane

Xiddigaha ganaaxan:-

Casemiro iyo Nacho

Xiddigaha ka dhaawacan Los Blancos:-

Ramos, Vazquezinho, Hazard, Carvajal iyo Mendy.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close