Arsenal, Man United, Real Madrid, AC Milan, Inter Milan, Juventus iyo Guud ahaan kulammada galabta illaa caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub

(Yurub) 18 Abriil 2021. Kulammo ka tirsan shanta horyaal ee waaweyn ee qaaradda Yurub ayaa maanta illaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana kooxo waa weyn oo ciyaarti doono kuwaasoo taageerayaashu ay indhaha ku hayaan.

Horyaalka Premier League ayaa laga ciyaari doonaa illaa iyo afar kulan, waxaana kulammadaas qayb ka ah kulanka Arsenal ay soo dhoweynayso Fulham iyo midka ay Manchester United qaabilayso Burnley.

Dhanka kale kooxda hoggaamineysa horyaalka La Liga ee Atletico Madrid ayaa caawa soo dhoweynaysa Eibar, halka kulan ka tirsan horyaalka Spain ay sidoo kale Real Madrid booqanayso Getafe.

Hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa caawa la ciyaaraya Napoli, AC Milan ayaa duhurnimada maanta soo dhoweynaysa Genoa, halka Juventus ay la ciyaareyso Atalanta.

Dhinaca kale Kooxaha Leicester City iyo Southampton ayaa wada ciyaari doona kulan qeyb ka ah afar dhammaadka FA Cup-ka kooxdii caawa adkaata ayaana Chelsea kula biiri doonta Final-ka tartankan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaallada ugu waa weyn Yurub & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

03:30 Galabnimo Arsenal vs Fulham

06:00 Maqribnimo Manchester United vs Burnley

ENGLAND – FA CUP

08:30 Habeennimo Leicester City vs Southampton

SPAIN – LALIGA SANTANDER

03:00 Galabnimo Osasuna vs Elche

03:00 Galabnimo Real Sociedad vs Sevilla

05:15 Galabnimo Atletico Madrid vs Eibar

05:15 Galabnimo Deportivo Alaves vs SD Huesca

07:30 Fiidnimo Cadiz vs Celta Vigo

07:30 Fiidnimo Real Betis vs Valencia

10:00 Habeennimo Getafe vs Real Madrid

10:00 Habeennimo Levante vs Villarreal

GERMANY – BUNDESLIGA

04:30 Galabnimo Borussia Dortmund vs Werder Bremen

Kulankan dib ayaa loo dhigay: Mainz 05 vs Hertha Berlin

ITALY – SERIE A

01:30 Duhurnimo AC Milan vs Genoa

04:00 Galabnimo Atalanta vs Juventus

04:00 Galabnimo Bologna vs Spezia

04:00 Galabnimo Lazio vs Benevento

07:00 Fiidnimo Torino vs Roma

09:45 Habeennimo SSC Napoli vs Inter

FRANCE – LIGUE 1

02:00 Duhurnimo Paris Saint-Germain vs Saint-Etienne

04:00 Galabnimo Brest vs Lens

04:00 Galabnimo Dijon vs Nice

04:00 Galabnimo Nimes vs Strasbourg

04:00 Galabnimo Reims vs Metz

06:05 Maqribnimo Bordeaux vs Monaco

10:00 Habeennimo Nantes vs Lyon

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close