Mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Real Madrid oo tababarka kusoo laabtay… (& Labo laf dhabar u ah shaxda Zidane oo seegay tababarkii maanta)

(Madrid) 17 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa la tacaaleyso dhibaatooyin dhaawac oo kala duwan iyo xanuunka Koofid oo haleelay Sergio Ramos iyo Raphael Varane, hase ahaatee, kooxda reer Spain ayaa maanta xarunta tababarka kusoo dhoweysay Dani Carvajal.

Laacibkan ka ciyaara difaaca midig ayaa ka qayb qaatay is-kululeynta tababarka heerka sare ee kooxda xilli Los Blancos ay isu diyaarineyso ciyaarta Axadda ay la leedahay kooxda Getafe.

Carvajal ayaa uu dhaawac kasoo gaaray muruqa bowdada ciyaartii ay kooxdiisa la laheyd Valencia labo bil ka hor, waxaana uu safka kooxda la wadaagay xerada tababarka ee Valdebebas markii ugu horreysay tan iyo February.

Real Madrid star Dani Carvajal suffers injury relapse - Football Espana

Tababare Zinedine Zidane oo galabta qaban doono shirkiisa jaraa’id ayaa laga yaabaa inuu Carvajal kusoo daro safkiisa kulanka Getafe, walow aysan badneyn suuro galnimada uu ciyaarta berri kaga qayb qaadan karo.

Dhinaca kale, waxaa tababarkii maanta seegay xiddigaha ganaaxa ku seegaya ciyaarta Getafe ee kala ah Casemiro iyo Nacho kuwaasoo aanan qayb ka ahayn safarka kooxda Macallin Zidane ay ku aadeyso Coliseum.

Carlos Henrique Casemiro and Nacho Fernandez of Real Madrid during... News  Photo - Getty Images

Burburiyaha reer Brazil ayaa calaamadda casaanka loo taagay ciyaartii ay Barcelona 2-1 kaga adkaadeen, halka difaaca dhexe ee reer Spain isla kulankaas uu qaatay shaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedkan La Liga, sidaas darteed, labada xiddig ayaa seegi doona ciyaarta Getafe.

Si kastaba ha ahaatee, Dani Carvajal ayaa xilli muhiim ah usoo laabtay Real Madrid maadaama laacibkii booskiisa daboolay ee Lucas Vazquez uu haatan soo gaaray dhaawac uu garoommada kaga maqnaan doono inta ka dhimman xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close