Pochettino oo fariin u diray Real Madrid iyo Barcelona… (Muxuuse ka yiri kulanka PSG iyo Man City?)

(Paris) 16 Abriil 2021. Tababaraha Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in maamulka PSG  ay tixgelin siinayaan badbaadada xiddigaha kooxda ee Kylian Mbappé iyo Neymar Jr.

Warka Mauricio Pochettino ayaa yimid iyadoo ay jiraan warar la xiriirinaya xiddigaha Kylian Mbappé iyo Neymar Jr suurtagalnimada ay kaga tagi karaan garoonka Parc des Princes, si ay u tijaabiyaan khibrada ay ugu ciyaarayaan kooxo kala duwan, waxaana ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo Real Madrid iyo Barcelona.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu kaga hadlay Mauricio Pochettino, mustaqbalka xiddigaha Mbappé iyo Neymar, wuxuuna yiri:

“Kooxda waxa ay sameyneysaa dadaal kasta oo ay ku ceshaneyso Neymar iyo Mbappé.”

“Kooxda waxay mudnaanta koowaad siineysaa badbaadada Neymar iyo Mbappé, mana ka fikirayno qorshe kale la’aantood labadan ciyaartoy.”

Mauricio Pochettino ayaa intaas kaddib ka hadlay kulanka ay Manchester City kula ciyaari doonaan semi-finalka Champions League, isagoo tixgaliyay in macalinka reer Spain ee Pep Guardiola uu yahay kan ugu fiican adduunka.

Tababaraha Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:

“Waan jeclahay inaan wajaho, sababtoo ah waxaan u arkaa inuu yahay tababaraha ugu fiican adduunka, mar walbana wuxuu la yimaadaa, mar walbana wuxuu la yimaadaa caqabado.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close