Man United, Arsenal, Roma iyo Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono siddeed dhammaadka Europa League

(Yurub) 15 Abril 2021. Waxaa caawa la ciyaari doonaa kulammada lugta labaad ee wareegga siddeed dhammaadka tartanka Europa League.

Kooxda kubadda cagta Arsenal oo lugtii hore garoonkeeda Emirates barbaro 1-1 ah lagula soo galay ayaa caawa booqanaysa naadiga Slavia Prague, halka Manchester United oo dalka doonto dalka Spain guul 2-0 ah ku soo gaartay ay Garoonkeeda Old Trafford ku soo dhoweyn doonto kooxda Granada.

Kulanka xiisaha badan ee tartankan caawa Europa League laga ciyaarayo ayaa waxaa isku arkaya kooxaha AS Roma oo lugtii hore 2-1 ku soo garaacday Ajax ayaa caawa naadiga reer Holland ku soo dhoweynaysa caasimadda Taliyaaniga.

Kulanka kalena waxa uu dhexyaa Villarreal iyo Dinamo Zagreb, iyadoo lugtii hore ay kooxda reer Spain ku soo badisay 1-0, caawa kulankan waxaa marti loo yahay Villarreal.

Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono lugta labaad ee Siddeed dhammaadka tartanka Europa League halkaan hoose ka eeg:-

10:00 Habeennimo Manchester United vs Granada

10:00 Habeennimo Roma vs Ajax

10:00 Habeennimo Slavia Prague vs Arsenal

10:00 Habeennimo Villarreal vs Dinamo Zagreb

FG: Dhammaan saacadaha ku xusan kulammada tartanka Europa League ee caawa waa xilliga Geeska Afrika.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close