Kooxaha Man United iyo Arsenal oo iska xaadiriyay wareega afar dhamaadka tartanka UEFA Europa League … +SAWIRRO

(Yurub) 15 Abriil 2021. Manchester United ayaa kaga adkaatay 2-0 kooxda Granada oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, kulankii lugta labaad wareega siddeed dhamaadka tartanka UEFA Europa League, Red Devils ayaa cel-celis ahaa ku soo baxday 4-0, labada lug ee wareegan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 6-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Edinson Cavani oo caawin ka helay saaxiibkiis Paul Pogba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester United ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee dheesha kaddib markii uu iska dhaliyay xddiga kooxda Granada ee Jesus Vallejo, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 2-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Granada oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa iska xaadirisat wareega xiga ee afar dhamaadka tartanka UEFA Europa League.

Dhinaca kale kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa u soo baxday wareega afar dhamaadka tartanka UEFA Europa League, kaddib markii ay naadiga Slavia Prague ku garaacday 0-4 kulankii lugta labaad ee wareega siddeed dhamaadka, waxayna cel celis ahaa Gunners ku soo gudubtay 1-5, iyadoo goolasha ay kaga mahadcelineyso xiddigaheeda kala ah, Pepe, Saka iyo 2 gool oo Lacazette ah.

Guud ahaan halkan hoose kaga bogo natiijooyinka kulmmaddii caawa laga ciyaaray lugta labaad wareega siddeed dhamaadka tartanka UEFA Europa League:

Manchester United 2 – 0 Granada

Roma 1 – 1 Ajax

Slavia Prague 0 – 4 Arsenal

Villarreal 2 – 1 Dinamo Zagreb.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close