Isku aadka Afar dhammaadka Champions League oo dhammaystirmay & Taariikhda la ciyaari doono kulammada lagu gaarayo Final-ka

(Yurub) 15 Abriil 2021. Isku aadka afar dhammaadka UEFA Champions League ayaa xalay dhammaystirmay, iyadoo koox weliba ay hore u sii ogeeda labada kooxood ee midkood ay ku beegmi doonto.

Real Madrid waa kooxda kaliya ee ka dhisan Spain oo soo gaartay heerkan, labo kulan oo kaliya ayaana ka xiga inay gacanta ku dhigto koobka oo Final-kiisa lagu ciyaari doon Magaalada Istanbul.

Xilli ciyaareedkan Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Thomas Tuchel ayaa tartanka ka cirib-tiray Kooxaha Atletico Madrid iyo FC Porto si ay u soo gaaraan afar dhammaadka Champions League, waxaana markaan ay madaxa gelin doonaan Los Blancos.

Kooxda Paris Saint-Germain oo tartankan ka reebtay naadiga difaacanayey ee Bayern Munich ayaa afar dhammaadka Champions League, waxa ay la ciyaari doontaa Manchester City.

Kooxda Tababare Pep Guardiola ayaa tartankan siddeed dhammaadkiisa ku soo reebay Naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund, waxaana ay Man City isku dayi doontaa inay gaaraan markii ugu horreysay final-ka tartankan taariikhda kooxda.

Taariikhda la ciyaari doono afar dhammaadka Champions League ee 2021:-

Kulammada lugta hore ee afar dhammaadka Champions League waxaa la ciyaari doonaa 27 ama 28 bishan April, iyadoo lagu hormarayo guryaha Real Madrid iyo PSG, kaddibna kulammada lugta labaad ayaa la ciyaari doonaa todobaadka ku xigan.

Real Madrid vs Chelsea: Talaado April 27 ama Arbaco April 28

Chelsea vs Real Madrid: Talaado May 4 ama Arbaco May 5

PSG vs Manchester City: Talaado April 27 ama Arbaco April 28

Manchester City vs PSG: Talaado May 4 ama Arbaco May 5

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close