Manchester United oo mar kale baacsaneysa xiddig muhiim u ah Real Madrid

(Manchester) 14 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qorsheyneysa inay suuqa kala iibsiga xagaagan kala soo saxiixato illaa dhowr ciyaartoy, waxaana liiska xiddigaha bartilmaameedka ah ku jira mid ka mid ah xiddigaha kooxda Real Madrid.

Man United ayaa kooxda Madrid ka dhisan ka dooneysa inay kala soo wareegto laacibka difaaca ka ciyaara ee Raphael Varane suuqa xagaaga ee nagu soo fool leh.

Majaladda ugu afka dheer England ee Daily Mail ayaa daabaceysa in Red Devils ay diyaar u tahay inay wada xaajood la bilawdo Real Madrid oo la fahansan yahay inay aqbali doonto qiimo walba oo ka sarreeya 60 milyan oo gini.

Laacibka afarta jeer Champions League kula guuleystay Real Los Blancos ayaa dhowaan sheegay inuu doonayo loollan ka duwan midka haatan ee La Liga, waxaana qaab ciyaareedkiisa difaaceed uu soo jiitay kooxo dhowr ah oo ay ugu horreyso Man United.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Ingiriiska ka dhisan ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato difaac dhexe oo ay la ciyaarsiiso kabtankeeda Harry Maguire.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close