“Waan ku celinayaa Kylian Mbappe wuxuu ka ciyaari doonaa Kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda” – Pedrerol

(Madrid) 13 Abriil 2021. Josep Pedrerol ayaa si adag u aaminsan inuu Kylian Mbappe ku dambeyn doono inuu ku biiro Kooxda Real Madrid xagaagan.

Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay dhammaadka sanadka 2022, waxaana jira warar sheegaya in Los Blancos ay awoodi doonto inay heshiis la gaarto kooxda reer France xagaagan, haddii Mbappe uusan qalinka ku duugin heshiis cusub.

“Waan ku celinayaa in Mbappe wuxuu ka ciyaari doonaa Kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda” ayuu Pedrerol u sheegay xalay El Chiringuito.

“Ma aqbali doono heshiis cusbooneysiinta PSG, wuxuuna ku kalsoon yahay in kooxdu ay diyaar u tahay inay dejiso qiimo macquul ah oo lagu heli karo isaga, madaama uu hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa, waxaana uu aad u doonayaa inuu ku biiro Real Madrid.” ayuu ku daray hadalkiisa Josep Pedrerol.

Josep Pedrerol oo ah Suxufi ka soo jeeda Catalan ayaa hadalkaan oo kale 07 bishan April u sheegay El Chiringuito.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close