RASM: Madaxweynaha cusub ee Real Madrid oo lagu dhawaaqay… (& Perez oo…)

(Madrid) 13 Abriil 2021. Waxaa maanta lagu madalsanaa doorashada xilka madaxweynaha ee kooxda kubadda cagta Real Madrid waxaana mar kale la doortay Florentino Perez.

Maadaama aanan la helin musharrax la tartama Perez, isaga ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha afarta sano ee soo socota xilkan u hayn doona naadiga reer Spain.

Muddada la qabanayay diiwaan gelinta musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Los Blancos ayaa ku ekeyd habeenkii Isniinta oo xalay ahaa, sidaas darteed, Real Madrid ayaa ku dhowaaqday saq dhexe in Perez uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee kooxdooda maadaama la waayay musharrax la tartama.

“Kaddib markii la waayay wax ka badan hal musharrax oo u tartamaya xilka madaxweynaha, sida uu qabo qodobka 40-aad, xarafka E, firqada labaad ee dastuurka kooxda, Mr Florentino Perez Rodriguez ayaa ah madaxweynaha Real Madrid” ayay qoraal ku shaaciyeen guddiga doorasha ee uu madaxda u yahay Jose Manuel de Carlos Grau.

Sidaas darteed, kala sarreynta maamulka Real Madrid ayaa ah sidan:-

Madaxweyne: Florentino Perez Rodriguez

Madaxweyne ku xigeen: Fernando Fernandez Tapias, Eduardo Fernandez de Blas and Pedro Lopez Jimenez.

Xog-haye: Enrique Sanchez Gonzalez

Xubnaha: Santiago Aguado Garcia, Jeronimo Farre Muncharaz, Enrique Perez Rodriguez, Manuel Cerezo Velazquez, Jose Sanchez Bernal, Manuel Torres Gomez, Gumersindo Santamaria Gil, Raul Ronda Ortiz, Jose Manuel Otero Lastres, Nicolas Martin-Sanz Garcia, Jose Luis del Valle Perez, Catalina Minarro Brugarolas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close