Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Chelsea oo u gudbay wareega afar dhamaadka tartanka tartanka Champions League… +SAWIRRO

(Paris) 13 Abriil 2021. Kooxda Bayern Munich ayaa kaga soo adkaatay 0-1 kooxda Paris Saint-Germain oo ay ku booqatay garoonka Parc des Princes, kulankii lugta labaad wareega siddeed dhamaadka tartanka Champions League, laakiin PSG ayaa u gudubtay wareega xiga ee afarta maadaama ay kulankii lugta hore ay ku soo adkaatay 2-3, waxayna cel-celis ahaan ku soo baxday 3-3, maadaama ay 3 gool banaanka ku soo dhalisay.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Bayern Munich.

Daqiiqadii 40-aad kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Eric Maxim Choupo-Moting, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis David Alaba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Bayern Munich kooxda Paris Saint-Germain oo ay ku booqatay garoonka Parc des Princes, balse PSG ayaa iska xaadirisat wareega xiga ee afar dhamaadka tartanka Champions League.

Dhinaca kale kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa jaratay tikitkeeda wareega afar dhamaadka tartanka Champions League, inkastoo naadiga FC porto ay ku adkaatay 0-1, balse kooxda reer England ee Bleus ayaa ciyaartii lugta hore ku soo adkaatay 0-2, waxayna cel celis ahaan ku soo baxday farqi goolal 2-1 ah.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close