Barcelona oo dardar cusub ku bilawday soo xero gelinta Sergio Aguero… (Hal arrin oo ku qasbeysa iyo hal dhinac oo ay caawin ka heleyso)

(Barcelona) 13 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Barceliona ayaa lagu soo warramayaa inay dardar gelinayaan isku daygooda ku aaddan saxiixa weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxa xaaladda mustaqbalka Aguero ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay dalab usoo bandhigtay laacibka Etihad isaga tagaya xagaagan maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed, yabooha 32-jirka reer Argentina uga yimid  Bianconeri ayaa soo jeediyay dareenka kooxda Barca taasoo dooneysa inay weeraryahankan kooxdooda kusoo daraan si xal loogu helo dhibaatada weerarka kooxda reer Spain.

Majaladda SPORT ee kasoo baxday Spain ayaa sheegtay in Juve ay Aguero usoo bandhigtay qandaraas ku kacaya labo sano oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadan doono 10 milyan oo euro.

Balse waxay intaas ku dartay in Blaugarana aysan dooneyn inay laacibka Man City usoo bandhigto mushaharka sidaas u badan, hase ahaatee ay la kaashan doonaan kabtankooda Lionel Messi si uu saaxiibkiis uga dhaadhiciyo inuu Camp Nou soo caga dhigto.

Si kastaba ha ahaatee, Aguero ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo ku biirista Barcelona, hase ahaatee, maamulka kooxda La Liga ka ciyaarta ayaa baadi goob ugu jirta weeraryahan da’ yar ah oo ay sanado badan adeegsan karto sida Lautaro Martinez iyo Erling Braut Haaland.

Dhanka kale, kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa hoggaanka u heysa loollanka loogu jiro saxiixa Aguero, taasoo shaki badan gelineyso halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Sergio Aguero.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close