“Maalin uun ayuu ku guuleysan doonaa Ballon d’Or.” – Hans Flick oo ammaanay Kylian Mbappé

(Munich) 12 Abriil 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Hans Flick ayaa ammaanay xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan lugta labaad wareega siddeed dhamaadka tartanka UEFA Champions League.

Labada koox ayaa habeen dambe ku wada ciyaari doona garoonka Parc des Princes ee magaalada Paris, kaddib marka kulankii lugta hore uu ku soo idlaatay 2-3 ay ku soo adkaatay PSG.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Hans Flick kahor kulanka Paris Saint-Germain, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Kylian Mbappé wuxuu ku guuleysan doonaa abaal-marinta Ballon d’Or maalin uun, runti waan hubaa taas.”

“Wuxuu heystaa wax walba, waa xiddig dhaqsi badan, wuxuuna leeyahay qaab ciyaareed aad u wanaagsan, waxa ugu muhiimsan ayaa ah inuu dhaliyo goolal badan.”

“Waxaan helnay fursado badan lugtii hore, laakiin ma aanan go’aamin, waa inaan shaqo fiican qabanaa, waana ognahay inaysan taasi sahlanaan doonin, laakiin waxaan siin doonaa wax walba.”

“Waan ognahay inay tahay inaan dhalino ugu yaraan labo gool, taasina waxay noqon doontaa howl adag, laakiin waxaan u ciyaarnaa kulammada kubadda cagta sida kulankan oo kale.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close