Man United oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Tottenham oo ay booqatay… +SAWIRRO

(London) 11 Abriil 2021. Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Tottenham Hotspur oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 40-aad Tottenham Hotspur ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Heung-Min Son, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lucas Moura.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester United ayaa dhalisay hoolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Fred.

Daqiiqadii 79-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Edinson Cavani oo caawin ay kaga timid Mason Greenwood.

90+5 daqiiqo Mason Greenwood oo badelay ku soo galay dheesha ayaa wuxuu hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Manchester United kooxda Tottenham Hotspur ay ku booqatay garoonka Tottenham Hotspur Stadium, Red Devils ayaa ku jirta booska labaad ee jadwalka kara sareynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 63 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close