Laba xiddig oo muhiim u safka Arsenal oo seegaya ciyaarta caawa

(London) 10 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa caawa kulan ka tirsan horyaalka Premier League la soo ciyaareysa naadiga Sheffield United.

Tababare Mikel Arteta ayaa dhabar jab kale la kulmaya ka hor ciyaartan maadaama xiddigaha kala ah Pierre-Emerick Aubameyang iyo Emile Smith Rowe ciyaartan dhibaatooyin kala duwan loogaga reebay.

Kabtanka Arsenal ee Aubameyang  ayaa ciyaartan safkeeda loogaga reebay xanuun dhanka neef qaadashadad iyo qandho ah, halka Smith Rowe uu dhaawac dhanka anqowga kaga haray ciyaarta caawa ka dhaceysa Bramall Lane.

Arsenal news: What Gunners dressing room think of Smith Rowe's performances  | Football | Sport | Express.co.uk

Gunners ayaaan guul gaarin afartii kulan ee ugu dambeysay dhammaan tartammada waxaana ciyaartii ugu dambeysay barbarro ay garoonkeeda kula gashay naadiga Slavia Prague ciyaartii Europa League.

Si kastaba ha ahaatee, David Luiz iyo Keiran Tierney ayaa hore kaga maqnaa kooxda Arsenal kuwaasoo iyaguna dhaawacyo kala duwan kaga maqnaa kulankan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close