Barcelona oo ka war heshay xiisaha Liverpool ay u qabto mid ka mid ah xiddigaheeda iyo kooxda reer Spain oo…

(Barcelona) 11 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay si aad ah u xiiseyneyso laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Pedri Gonzalez.

Jariirada The Mirror ayaa baahisay in macallinka Reds uu doonayo inuu Pedri kusoo daro khadkiisa dhexe kaddib shaqada wacan ee uu ka qabanayo Barca xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Hase ahaatee, Barca ayaa ka war heshay xiisaha xiddigeeda uga imaanaya naadiga reer England, waxaana durba ay bilawday qorshey ay da’yarka reer Spain kaga hor istaageyso inuu Camp Nou ka baxo.

Blaugrana ayaa diyaar u ah inay Pedri usoo bandhigto heshiis cusub oo lagu dari doono qiimo gaaraya 350 milyan oo gini oo ah lacagaha lagu jebin karo heshiiskiisa.

Laacibkii hore ee Las Palmas ayaa Barcelona kula jira qandaraas ay ka harsan tahay hal sano, balse ay ku kordhin karto in labo sano oo hor leh lagu daro heshiiskiisa, waxaana lagu jebin karaa 70 milyan oo gini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close