Maxaa ka soo kordhay mustaqbalka Haaland & wararka la xiriirinaya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona?

(Yurub) 09 Abriil 2021. Wargeysyada Spain ayaa maanta oo Jimco ah waxay shaaca ka qaadeen horumar cusub oo ku saabsan mustaqbalka wiilka reer Norway iyo kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland, inta lagu jiro xilli ciyaareedka soo socda.

Erling Haaland waxaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqi doono kooxo badan, oo ay ku jiraan Real Madrid, Barcelona, iyo Manchester City.

Haddaba sida lagu sheegay barnaamijka “Chiringuito” ee dalka Spain Haaland ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo Manchester City, halka xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé la filayo inuu qandaraas cusub u saxiixi doono Real Madrid  xagaaga soo aadan.

Wararka laga helay gudaha Spain shalay oo khamiis ah ayaa lagu sheegay in Erling Haaland uu aad ugu dhaw yahay inuu ka tago kooxda Borussia Dortmund in ka badan sidii hore, sababo la xiriira dhaqaale xumada soo wajahday kooxda reer Germany.

Si kastaba ha ahaatee, aabaha dhalay Erling Haaland iyo Mino Raiola oo ah wakiilka laacibka, ayaa waxay labo kulan kula qaateen Spain.madaxda Real Madrid iyo Barcelona, Isbuucii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close