Man United oo guul gaartay, xilli Arsenal lagu dhagay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii lugta hore wareega siddeeda ee tartanka Europa League… +SAWIRRO

(Yurub) 09 Abriil 2021. Manchester United ayaa guul muhiim ah kaga soo gaartay kooxda Granada garoonka Estadio Nuevo Los Carmenes oo ay ku booqatay kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada lugta hore wareega siddeeda ee tartanka UEFA Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 31-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Marcus Rashford, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Victor Nilsson Lindeloef.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Manchester United ayaa loo dhigay rigoore, waxaan gool u badelay xiddigooda Bruno Fernandes, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-2 ay ku hoggaamineysay United-ka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Manchester United kooxda Granada oo ay ku booqatay garoonka Estadio Nuevo Los Carmenes, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Europa League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii wareega siddeed dhamaadka ee caawa laga ciyaaray tartanka xiisaha badan ee UEFA Europa League:

Ajax 1 – 2 Roma

Arsenal 1 – 1 Slavia Prague

Dinamo Zagreb 0 – 1  Villarreal

Granada 0 – 2 Manchester United.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Martinelli running with the ball at Emirates Stadium

Willian pictured with his back to camera and his head side on during the action

Emile Smith Rowe takes the knee ahead of kick-off

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close