Man United, Arsenal, Roma iyo guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono tartanka Europa League

(Yurub) 08 Abril 2021. Waxaa caawa la ciyaari doonaa kulammada lugta koowaad ee wareegga siddeed-dhammaadka tartanka Europa League.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates kula ciyaari doonto naadiga Slavia Prague, halka Manchester United ay u safri doonto dalka Spain si ay ula soo ciyaarto kooxda Granada.

Kulanka xiisaha badan ee tartankan caawa laga ciyaarayo ayaa waxaa caawa isku arkaya kooxaha Ajax iyo AS Roma kuwaasoo caasimadda Taliyaaniga ku ciyaari doona.

Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono tartanka Europa League caawa:-

10:00 Habeennimo: Ajax vs Roma

10:00 Habeennimo: Arsenal vs Slavia Prague

10:00 Habeennimo: Dinamo Zagreb vs Villarreal

10:00 Habeennimo: Granada vs Manchester United.

FG: dhammaan saacadaha ku xusan kulammada tartanka Europa League ee caawa waa xilliga Geeska Afrika.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close