“Haddii uusan ahaan lahayn Messi, koobab badan ayaan qaadi lahayn” – Sergio Ramos

(Madrid) 08 Abril 2021. Kooxaha kubadda cagta ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa toddobaadkan ku balansan garoonka Alfredo Di Stefano ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga.

Ka hor kulanka El Classico, kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sheegay in kooxdiisu ay seegtay tartammo badan joogista Lionel Messi ee Barcelona awgeed.

Ramos ayaa sidoo kale qeexay dhibaatadii ay kala kulmayeen Messi sanadihii uu ka hor imaanayay kooxdiisa sida uu ku sheegay musalsalka laga sameeyay noloshiisa ee The Legend of Sergio Ramos.

“Weynu dhibtooneynay markeynu ka hor imaaneyno Messi sanadahan” ayuu difaaca Spain ku sheegay musalsalka The Legend of Sergio Ramos.

“Dabcan, haddii aysan Barcelona heysan lahayn isaga, waxaynu ku guuleysan lahayn koobab intaan ka badan.

“Waxaa jirtay xilli aan wajaheynay Barcelona tii ugu wanaagsaneyd taariikhda, waxaan heysannay macallin weyn, Jose Mourinho, balse way nagu adkeyd inaan garaacno iyaga” ayuu sidoo kale qiray kabtanka Los Blancos.

Sergio Ramos ayaa Real Madrid kula guuleystay afar jeer tartanka Champions League, hase ahaatee, horyaallada uu la qaaday ee shanta ah ayaa u dhigma kala bar inta horyaal ee uu Lionel Messi kula guuleystay Barcelona.

Si kastaba ha ahaate, halyeyga wali ciyaaraya ayaa dhaawac ku seegaya kulanka Sabtida ee El Classico, iyadoo sidoo kale qandaraaskiisa kooxda caasimadda Spain ka dhisan uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan, sidoo kalena mustaqbalkiisa uu yahay mid aanan caddeyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close