RASMI: Kevin de Bruyne oo qandaraas cusub qalinka ugu duugay Kooxdiisa Manchester City

(Manchester) 07 Abriil 2021. Laacibka khadka dhexe ee Kooxda Manchester City ee Kevin de Bruyne ayaa heshiis cusub oo ku eg illaa sanadka 2025 waxa uu qalinka ugu duugay kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League.

29-sano jirkaan ayaa heshiiskiisii hore ee uu kula joogay kooxda Sky Blues waxaa kaga harsanaa labo sanadood ah, haddana waxaa loogu kordhiyey qandaraas kale oo cusub.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ee De Bruyne ayaa ku guuleystay labo horyaalka Premier League ah, hal FA Cup iyo afar koob oo League Cup ah tan iyo markii uu Man City kaga soo dhaqaaqay Wolfsburg xagaagii 2015.

Waxaa xusid mudan in De Bruyne uu dhaliyey goolka furitaanka kooxdiisa kulankii ay xalay guusha ka gaareen Borussia Dortmund lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League, waxaana sidoo kale door muhiim ah ku lahaa goolkii guusha ee xilli dambe uu u dhaliyey Phil Foden.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close