Chelsea oo guul ka soo heshay kooxda FC Porto kulanka lugta hore siddeed dhammaadka Champions League… +SAWIRRO

(Porto) 07 Abril 2021. Chelsea ayaa guul ka soo heshay kooxda FC Porto oo ay ku booqatay garoonka Estadio R. Sanchez Pizjuan, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulankii lugta hore siddeed dhammaadka Champions League

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hor kaceysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 32-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Mason Mount, kaddib markii uu caawin cajiib ah ka helay saaxiibkiis Jorginho.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

84 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Ben Chilwell ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Chelsea

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda FC Porto oo ay ku booqatay garoonka Estadio R. Sanchez Pizjuan, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close