UCL: Manchester City oo guul ka gaartay Borussia Dortmund oo marti ugu aheyd  garoonka Etihad… +SAWIRRO

(Manchester) 06 Abril 2021. Manchester City ayaa guul ka gaartay Borussia Dortmund oo marti ugu aheyd  garoonka Etihad, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulankii lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 19-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Kevin De Bruyne oo caawin ka helay saaxiibkiis Riyad Mahrez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 84-aad kooxda Borussia Dortmund ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta Marco Reus, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Erling Haaland.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Phil Foden oo caawin ka helay saaxiibkiis Ilkay Gundogan ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Borussia Dortmund oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close