Real Madrid oo garoonkeeda Alfredo Di Stefano guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Liverpool… SAWIRRO

(Madrid) 06 Abril 2021. Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1 kulankii lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda reer Brazil ee Vinicius Junior, kaddib markii uu caawin cajiib ah ka helay saaxiibkiis Toni Kroos.

36 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Marco Asensio ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda cad cadka ah ee Real Madrid.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay xiddigooda reer Massar ee Mohamed Salah.

65 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Vinicius Junior oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Luka Modric ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Real Madrid wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 3-1 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close