RASMI: Mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Bayern Munich oo laga helay Korona Fayras

(Munich) 06 Abril 2021. Kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich ayaa heshay war aan wanaagsaneyn ka hor kulanka ay habeen dambe kula ciyaari doonaan PSG lugta koowaad ee wareegga siddeed-dhammaadka tartanka Champions League.

Serge Gnabry, oo 25 jir ah ayaa waxay kooxda kubadda cagta Bayern Munich xaqiijisay in laga helay xanuunka saf mareynka ah isla markaana aafeeyay dunida ee Korona Fayras, wuxuuna ku karantiilan yahay gurigiisa..

Yeelkeeda, kooxda reer Germany ee Bayern Munich ayaa xaqiijisay in laacibkeeda Serge Gnabry uu seegayo kulanka Champions League oo ay habeen dambe ku soo dhaweyn doonaan Paris Saint-Germain garoonka Allianz Arena.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close