Safka Barcelona u matalaya ciyaarta caawa ee Real Valladolid oo lasoo saaray… (Pique oo…)

(Barcelona) 05 Abril 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa si rasmi ah usoo saaray safka kooxdiisa ee diyaarka u ah kulanka caawa.

Barca ayaa kulan ka tirsan horyaalka La Liga caawa kula ciyaareysa garoonkeeda Camp Nou naadiga Real Valladolid, waxaana Koeman uu soo magacaabay safka kulankan u diyaarka ah.

Xiddigaha kala ah Sergi Roberto iyo Gerard Pique oo maalmihii lasoo dhaafay la tababaranayay safka xiddigaha Barca ayaa laga reebay kulanka caawa maadaama aysan si buuxda diyaar ugu noqon karin kulanka caawa.

Dhanka kale, Lionel Messi iyo Frenkie De Jong ayaa safka kulanka caawa ku jira inkastoo haddii ay calaamadda jaallaha qaataan ay seegi doonaan kulanka soo aaddan ee El Classico.

Haddaba safka rasmiga ah ee kooxda Barcelona kulanka caawa Real Valladolid ayaa ka kooban:-

Goolhaye: Marc Andre ter Stegen, Inaki Pena, Arnau Tenas

Difaaca: Sergino Dest, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Jordi Alba, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Oscar Mingueza

khadka dhexe: Sergio Busquets, Miralem Pjanic, Riqui Puig, Matheus, Frenkie de Jong, Pedri, Konrad de la Fuente, Ilaix Moriba

Weerarka: Martin Braithwaite, Antoine Griezmann, Leo Messi, Ousmane Dembele, Francisco Trincao

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close