RASMI: Safka Real Madrid ee ka qayb galaya ciyaarta Liverpool oo la soo saaray & Hazard oo…

(Madrid) 05 Abril 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa la balansan dhiggeeda Liverpool kulanka lugta koowaad ee wareegga siddeed-dhammaadka tartanka Champions League, waxaana goor dhow lasoo saaray safka kulankan uga qayb galaya.

Tababare Zinedine Zidane ayaa safkiisa ka reebay xiddiga dhaawaca kasoo kabtay ee Eden Hazard kaasoo aanan qayb ka noqon doonin xiddigaha ka qayb galaya kulanka Madrid soo dhoweyneyso Reds.

Hase ahaatee, waxaa safka Los Blancos kusoo biiray Fede Valverde oo dhaawac garoommada kaga maqnaa muddooyinkii dambe, inkastoo wali Sergio Ramos iyo Dani Carvajal aysan taam u noqon ciyaartaha ay kooxdoodu ciyaareyso.

Haddaba sawirkan hoose kaga bogo liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qayb noqon doona ciyaarta habeen dambe ee ay Liverpool la balansan yihiin:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close