Arsenal oo bebelka Hector Bellerin ka dhex aragta Kooxda Inter Milan… (Miyey Gunners kula soo wareegi doontaa 50 milyan oo euro?)

(London) 04 Abril 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay sare u qaaday xiisaha ay u qabto daafaca Inter Milan ee Achraf Hakimi, kaasoo ay u aragto bedelka Hector Bellerin, waxaana ay Gunners ku doonaysaa 43 milyan oo gini.

Hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ayaa 50 milyan oo euro una dhigta 43 milyan oo gini ku qiimeynaysa 22-sano jirkaan, kaasoo kaga soo biiray dhinaca Real Madrid adduun dhan 34 milyan oo gini xagaagii hore.

Warsidaha reer Talyaani ee CalcioMercato ayaa warinaya in Gunners ay Hakimi u aragto bedelka saxda ah ee Hector Bellerin, kaasoo laga yaabo inuu kooxda ka tago.

Hakimi ayaa xubin muhiim ah ka noqday shaxda kooxda tababare Antonio Conte, isagoo dhaliyey lix gool isla markaana caawiyey lix kale 34 kulan oo uu saftay horyaalka Serie A.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira hubanti la’aan dhaqaale, taasoo sababi karta in Inter ay suuqa geysto Hakimi haddii ay ku heleyso lacag ku filan.

Kooxda Chelsea ayaa sidoo kale xiiseynaysa xiddiga xulka qaranka Morocco.

Bellerin ayaa la la xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqayo garoonka Emirates, iyadoo Paris Saint-Germain lagu soo waramayo inay tahay bardhammaadka xiga ee xiddigani u tallaabi doono, halka Blues la warinayo inay Hakimi u aragto mid ka habboon daafaceeda midig.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close