Wargeys ogaaday kooxda uu Erling Haaland doonayo inuu ku biiro & naadigaas oo ka caga jiideysa saxiixa laacibkan

(Dortmund) 03 Abril 2021. Laacibka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu xagaagan ka hayaami doono kooxdiisa maadaama uu xiiso fara badan ka helayo qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub.

Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Haaland uu doonayo ku biirista naadiga Real Madrid, hase ahaatee, kooxda ka dhisan caasimadda Spain ayaa ka caga jiideysa saxiixiisa.

Warsidaha isbaanishka ah ee AS ayaa ku warramaya in naadiga Los Blancos ay ka cabsi qabto loollanka adag ee ay ku wajahi doonto soo xero gelinta 20-jirka weerarka ka ciyaara, maadaama kooxaha Barcelona, Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ay dhammaantood daneynayaan saxiixiisa.

Wargeyska ayaa waxa uu sidoo kale sheegayaa inay Real Madrid labo sababood darteed uga gaabineyso baacsiga saxiixa Haaland, iyadoo sababta koowaad lagu sheegay qiimaha xad dhaafka ah ee ay BVB ku dooneyso inay ku iibiso laacibkeeda.

Lacag gaareysa 150 milyan oo gini ayay kooxda Jarmalka ka dhisan dooneysaa haddii ay fasaxeyso xiddiga reer Norway, halka kooxda Macallin Zinedine Zidane uu hoggaamiyo ay dooneyso in qiimo intaas ka yar ay kusoo iibsato laacibka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close