“Real Madrid ayaa ii diidey inaan ku biiro kooxdan!” –  James Rodríguez

(Liverpool) 02 Abril 2021. Ciyaaryahankii hore kooxda Real Madrid ee James Rodríguez ayaa xaqiijiyay inuu qarka u fuulay inuu u dhaqaaqo naadiga ay deriska ahaayeen ee Atletico Madrid, laakiin maamulka Los Blancos ay hor istaageen heshiiskaas.

Haddaba Qoraal uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa waxaa lagu sheegay wareysi uu bixiyay James Rodríguez, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Madrid waxaan ku ciyaaray wax yar, gaar ahaan xilligeygii labaad.”

“Kaddib markii aan ka tagay Bayern Munich, wax walba waxay iga ahaayeen diyaar aniga ahaan, si aan ugu dhaqaaqo Atletico Madrid, laakiin Real Madrid ima aysan ii ogolaanin inaan baxo.”

Xiddiga reer Colombia ayaa intaas kaddib ka hadlay hamiga uu ka leeyahay kooxdiisa haatan ee Everton, wuxuuna yiri:

“Sannad fudud iima aheyn marka laga hadlayo dhibaatooyinka jir ahaaneed, laakiin waxaan ogahay in marka aan fiicnaado ay kooxda fiicantahay.”

“Waxaan rabaa in Everton ay ciyaarto kubad fiican, inkasta oo ay halkan ku adagtahay, sababa la xiriira in kooxaha oo dhan ay yihiin kuwo aad u tartamaya.”

Sidoo kale James Rodríguez ayaa ka hadlay riyadiisa yurub ee kooxda Everton, wuxuuna yiri:

“Waxaan ka daawaday Champions League sannadkan telefishinka, mana jecleysan gabi ahaanba, sababtoo ah waxaan ka ciyaarayay tartankaas tan iyo sanadkii 2012.”

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Everton ayaa ku jirta booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League iyadoo leh 46 dhibcood, 5 dhibcood u jirtaa kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea, kaasoo ah booska ugu dambeeya ee loogu soo baxo tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close