Guardiola oo si maldahan u sheegay inay macquul tahay in Man City aysan la saxiixan weeraryahan cusub

(Manchester) 02 Abril 2021. Tababaraha reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in Sky Blue aysan la soo saxiixan doonin weeraryahan xagaaga soo aadan.

Manchester City ayaa ku booqan doonta Leicester City habeenka Sabtida, garoonka King Power, si ay u wada ciyaaraan ciyaar qeyb ka ah kulammada 30-aad ee horyaalka Premier League.

Pep Guardiola oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor ciyaarta Leicester City ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan rabaa inaan cadeeyo, laga yaabee inaan heli doono ciyaaryahan cusub oo badal u noqda Aguero, laakiin dhanka rikoorrada ee gooldhalinta waa wax aan macquul aheyn.”

“Waxaa jira fursado dhowr ah oo aan lagula soo saxiixan karin weeraryahan xilli ciyaareedka soo socda, waxaan heysanaa ciyaartoy nagu filan ee kooxda koowaad ah.”

“Qiimaha dhanka suuqa waa wax aan macquul aheyn, ma awoodi karno, tani ma dhici doonto, dhammaan kooxaha waxay la ildaran yihiin dhaqaala xumi, mana nihin kuwa ka reeban.”

“Waxaan heysanaa Gabriel Jesus, Ferran Torres iyo labo ciyaaryahan oo ka tirsan Akadeemiyada, waxaan ku ciyaari doonaa weeraryahan been abuur ah ma ogi waxa dhici doona, laga yaabee inaan iibsan doonin wax weeraryahan, waxaa jirta fursad weyn oo taas ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close