RASMI: Xiddig laf dhabar u ah Juventus oo laga helay Korona Fayras

(Turin) 1 Abril 2021. Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa kiiskii labaad ee Korona Fayras ah xaqiijisay saddex maalmood gudahood.

kooxda reer Taliyaani ayaa shaacisay in difaaceeda Leonardo Bonucci laga helay xanuunka faafa ee Korona Fayras kaasoo wali dhibaato ku haya dadyowga dunida.

Xiddigan ayaa noqday laacibkii labaad ee Juve ka tirsan kaasoo xanuunkan laga helay toddobaadkan, kaddib markii dhowaan Koof-19 laga helay difaaca reer Turkey ee Merih Demiral.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan ayaa seegi doona kulanka Bianconeri ay la ciyaari doonto kooxda Torino 3-da bishan Abril.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close