RASMI: Real Madrid oo xaqiijisay dhaawaca Sergio Ramos… (Miyuu ciyaari doonaa El Classico?)

(Madrid) 1 Abril 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa xaqiijisay in kabtankeeda Sergio Ramos uu soo gaaray dhaawac muruqa lugta bidix ah, kaasi oo uu ku seegi doono kulammada soo aaddan.

Los Blancos ayaa maanta oo khamiis ah xaqiijisay dhaawaca soo gaaray difaaceeda intii uu ku gudo jiray waajibaadka xulkiisa qaranka Spain ka hor kulanka Eibar ee Sabtida.

Xiddigan ayaa sidoo kale seegi doona kulammada wareegga rubac-dhammaadka tartanka Champions League ee ay la balansan tahay Liverpool Talaadada soo aaddan.

Sidoo kale Real Madrid ayaa 10-ka bisha April garoonkeeda Alfredo di Stefano kusoo dhoweyneyso kooxda Barcelona kulanka El Classico oo ka tirsan horyaalka La Liga kahor inta aysan afar maalmood kaddib markale la ciyaarin Reds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close