Mino Raiola iyo aabbaha dhalay Erling Haaland oo caga dhigtay magaalada Barcelona

(Barcelona) 01 Abril 2021. Xiisihii ay Barcelona u heysay weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland ayaa u muuqda mid natiijo yeelanaya maadaama Alf-Inge Haaland oo aabbe u ah laacibka Dortmund iyo wakiilka xiddigan ee Mino Raiola ay gaareen dalka Spain.

Madaxweynaha Barca ee Joan Laporta ayaa shaaciyay inuu dib u dhis xooggan ku sameyn doono Barca marka uu suuqa xagaaga furmo, waxaana damaciisa ugu weyn uu yahay lasoo saxiixashada Haaland.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa dalka Spain ayaa shaaciyay in Haaland aabbihiis iyo wakiilkiisa ay soo caga dhigteen garoonka magaalada Barcelona maanta, iyadoo gegeda diyaaradaha uu ku sugayay shaqsi aad ugu dhow Madaxweyne Laporta.

Waxaa la filayaa in shaqsiyaadka ka socda xiddiga reer Norway ay halkaas kula kulmaan madaxweynaha Blaugrana si loo dhammeystiro wada hadallada laacibkan lagu keenayo garoonka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close