Labo ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee Real Madrid oo tababarka kusoo laabtay

(Madrid) 1 Abril 2021. Tababarkii saddexaad ee Real Madrid toddobaadkan ayaa akhbaar farxad leh u keenay Macallin Zinedine Zidane, maadaama uu dib u helay laba xiddig oo laf dhabar u ah shaxdiisa.

Ciyaartoyda kala ah Toni Kroos iyo Fede Valverde ayaa si buuxda kaga qayb qaatay tababarkii ugu dambeeyay kooxda, waxayna diyaar u yihiin inay Los Blancos u ciyaaraan kulanka horyaalka La Liga ay Sabtida kula balansan yihiin naadiga Eibar.

Labada xiddig ee khadka dhexe ka wada ciyaara ayaa si buuxda uga qayb qaatay tababarka maanta oo khamiis ah, waxaana la filayaa inay qayb ka noqdaan safka uu Zidane usoo magacaabi doono ciyaarta soo aaddan maalinta Jimcaha.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa wali sugeysa inay soo kabsadaan xiddigaha kala ah Dani Carvajal iyo Eden Hazard kuwaasoo aanan wali tababarka buuxa kusoo laaban, walow laacibka reer Belgium oo tababar gaar ah sameynayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close