Chelsea oo qorsheeneysa inay sameyso heshiis weyn oo kooxda ka caawin kara inay u tartanto Premier League iyo Champions League

(London) 01 Abriil 2021. Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa wuxuu doonayaa inuu xoojiyo safka Blues si uu awood ugu yeesho inuu u dagaalamo tartamada Premier League iyo Champions League.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargayska “Daily Mail” ee dalka England, maamulka Blues ayaa darsaya fikirka ah inay sameeyaan saxiixa goolhayaha heerka sarre ah ee reer Talyaani Gianluigi Donnarumma, kaasoo ku soo bandhigay heerar cajiib ah kooxdiisa haatan ee AC Milan.

Sida lagu sheegay warbixinta, Donnarumma ayaa diiday laba dalab oo lagu kordhinayo qandaraaska uu kula jiro Rossoneri, mustaqbalkiisana wali ma cadda illaa iyo hadda, wuxuuna heshiiskiisa haatan ee kooxda uu gaarayaa ilaa iyo bisha June ee sanadkan.

Chelsea 'in talks with AC Milan keeper Gianluigi Donnarumma as they eye  gorgeous free switch' regardless of Mendy's arrival

Warbixinta ayaa lagu sheegay in codsiyada dhaqaale ee Gianluigi Donnarumma aysan ogolaanin Milan, taasoo sababtay in qandaraaska aan la kordhin ilaa iyo haatan, taasoo albaabka u fureysa kooxaha doonaya adeega goolhaayaha xulka qaranka Talyaaniga.

Chelsea ayaa qandaraas la gashay goolhayaha reer Senegal Edouard Mendy, si ay u xaliso dhibaatada ka heysatay dhanka shabaq ilaalinta, kaddib hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka goolhaye Kepa Arrizabalaga oo ay naadiga reer London kula soo saxiixatay adduun dhan 72 million pounds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close