Xiddig muhiim u ah Barcelona oo kusoo laabtay tababarka & xilliga uu kulankiisa xiga ciyaari doono oo la shaaciyay

(Barcelona) 31 Maarso 2021. Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa dib u heli doonta mid ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah kulanka El Classico ee ay Real Madrid la balansan yihiin bisha soo aaddan.

Gerard Pique oo daafaca dhexe kaga ciyaara Barca ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda maanta oo Arbaco ah, waxaana uu rajo wacan geliyay Tababare Ronald Koeman.

Xiddigan ayaa ku dhaawacmay ciyaartii lugta labaad ee wareegga semi-finalka tartanka Copa del Rey ee ay kooxdiisa la qaadatay Sevilla, waxaase hadda la rajeynayaa inuu dhowaan garoommada kusoo laaban doono.

Geesta kale, kooxda Barcelona ayaa asbuuca soo aaddan la balansan naadiga Real Valladolid kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxaana ciyaartaas la filayaa in Pique la nasiyo si uu taam ugu noqdo ciyaarta Real Madrid ay kooxdiisa la ciyaareyso 10-ka bisha April.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close