Manchester City oo bartilmaameedyadeeda ku darsatay Harry Kane haddii…

(Manchester) 31 Maarso 2021. Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa xaqiijisay inay fasaxday weeraryahankeeda Sergio Aguero kaddib markaa uu dhammaado heshiiskiisa xagaagan.

Sidaas darteed, Man City ayaa baadi goobeysa gool dhaliye buuxa kaasoo baddel u noqda Aguero, iyadoo durba bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Hase ahaatee, majaladda The Times ayaa warineysa in City ay diyaar u tahay inay diyaarineyso dalab ay u gudbineyso Tottenham Hotspur si ay kaga soo qaataan Harry Kane.

Kabtanka xulka qaranka England ayaa da’ ahaan ka weyn Haaland, hase yeeshee waxa uu tayadiisa gool dhalineed kusoo bandhigay horyaalka Premier League.

Maadaama tartan adag ay ku wajaheyso loollanka laacibka Dortmund maadaama ay kooxo badan saxiixiisa ku dagaallamayaan, City ayaa qorshaha ku darsatay Kane oo ay u aragto dookh kale oo ku habboon buuxinta booska u baneynayo Kun Aguero.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close