Halyeeyga Franco Causio oo codsaday in Juventus ay la saxiixato Sergio Aguero

(Turin) 31 Maarso 2021. Halyeeyga kooxda Juventus ee Franco Causio ayaa ka codsaday Bianconeri inay la soo saxiixato xiddiga reer Argantina iyo naadiga Manchester City ee Sergio Aguero.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si rasmi ah u shaacisay in xiddigooda reer Argantina ee Sergio Aguero uu ka tagayo safka Kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka haatan socda.

Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga Franco Causio ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku shegay:

“Aguero wuxuu ku fiicnaan doonaa Juventus.”

“Wuxuu cadeeyay inuu waxtar u yeelan karo kooxo badan, hadii uu boqolkiiba boqol taam yahay.”

“Wuxuu noqon karaa sida Carlos Tevez, laakiin waa inuu noqdaa mid xamaasad leh oo diyaar u ah inuu guuleysto, sida Tevez oo kale.”

Waxaa xusid mudan in Tevez uu xagaagii 2013 u dhaqaaqay safka kooxda Juventus, isagoo ka soo dhaqaaqay Manchester City, wuxuuna u ciyaaray Bianconeri muddo laba xilli ciyaareed ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close