Barcelona iyo Lionel Messi oo mar kale farqaha isku dheggan & iyo xiddig ka ciyaara Premier League oo sabab u ah dooddan

(Barcelona) 31 Maarso 2021. Tan iyo markii uu xagaagii hore Lionel Messi ka dalbaday Barcelona inay fasaxdo, waxaanan wali sal fadhiya aanan yeellan mustaqbalka laacibkan xilli uu bilaash kaga tagi karo Camp Nou xagaagan maadaama heshiiskiisu uu dhacayo.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa dhowaanahan ku guda jirtay inay dadaallo ay Messi kaga dhaadhicineyso inuu kooxda ka sii mid ahaado, heshiis cusubna loo soo bandhigo.

Hase yeeshee, wada xaajoodka labada dhinac u dhexeeya ayaa yeeshay waji cusub kaddib markii uu kabtanka Barcelona dalbaday in wada xaajoodka lagu soo daro in kooxda lagu soo biiriyo Sergio Aguero haddii ay naadiga reer Spain dooneyso inuu sii joogo sida ay ku warrameyso Football Insider.

Laacibka Messi ay xulka Argentina ka wada tirsan yihiin ayaa bilaash kaga tagaya Manchester City xagaagan maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed, Kabtanka Argentina ayaa doonaya inay saaxiibkiis ku midoobaan Camp Nou, halka Barca ay leedahay qorshe kaas ka duwan maadaama Aguero uusan ahayn bartilmaameedkooda koowaad.

Jariiradda Isbaanishka ah ee Mundo Deportivo ayaa tilmaameysa inay kooxda Barcelona door bideyso lasoo saxiixashada Memphis Depay, Romelu Lukaku iyo Erling Haaland, sidoo kalena qorshahooda uusan ku jira gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Man City.

Arrintan ayaa la aaminsan yahay inay ku kala qaybsan yihiin maamulka Barca oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Joan Laporta iyo xiddigooda Lionel Messi oo doonaya inay saaxiibkiis ku midoobaan qolka labiska ee Camp Nou.

Tani ayaa saameyn ku yeelan karta habsami u socodka wada xaajoodka heshiis kordhinta ee u socda labada dhinac iyo in xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu nagi kusii ahaado Blaugrana.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close