Saddex ka mid ah Kooxaha ka dheela horyaalka Premier League oo ku tartamaya saxiixa xiddig ka tirsan RB Leipzig

(England) 29 Maarso 2021. Sida wararku ay sheegayaan saddex ka mid ah kooxaha ka dheela horyaalka Premier League ayaa ku tartamaya saxiixa xiddig u ciyaara naadiga RB Leipzig.

Kooxaha Man United, Liverpool iyo Tottenham ayaa la sheegayaa inay iskula dheggan yihiin saxiixa ciyaaryahanka naadiga RB Leipzig ee Marcel Sabitzer.

Marcel Sabitzer ayaa diyaar u ah inuu sabab u noqdo jahwareerka kooxaha Premier League xagaagan iyadoo Manchester United, Liverpool iyo Tottenham dhammaantood la soo warinayo inay u dhaqaaqi karaan soo xero gelinta xiddigan.

Xiddiga Kooxda RB Leipzig ayaa horumar badan sameeyey waxaana uu noqday mid ka mid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay Yurub ciyaartoyda ka ciyaarta khadka dhexe xilli ciyaareedyadii dhowaa.

Iyadoo qandaraaskiisu dhacayo bisha Juve ee sanadka 2022, isla markaana ay RB Leipzig oo ka caga jiidaya inuu lumiso isaga, haddana wargayska Jarmalka ka soo baxa ee Bild ayaa ku warramaya in saddexda Kooxood ee horyaalka Premier League ay ku tartamayaan saxiixiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close