RASMI: Daafacii hore ee Bayern Munich & Xulka qaranka Brazil ee Rafinha oo ku biiray koox cusub

(Munich) 29 Maarso 2021. Daafacii hore ee Kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Brazil ee Rafinha ayaa ku biiray naadiga Gremio.

Xiddigan ka ciyaara daafaca garabka midig ee Rafinha ayaa heshiis illaa dhammaadka 2021 ugu biiray kooxda reer Brazil ee Gremio.

35-sano jirkaan ayaa ahaa beeca xorta ah, kaddib markii uu ka tagay kooxda ka dhisan dalka Giriigga ee Olympiacos, laakiin haatan waxa uu helay koox cusub.

Gremio ayaana saxiixa lacibkan ku garaacday Kooxdiisii hore ee Flamengo iyo Atletico Mineiro oo labaduba xiiseynayey.

Rafinha oo si bilaash ah ay ugala soo saxiixday Olympiacos kooxda Flamengo bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayaa 22 kulan u saftay kooxda difaacaneysa horyaalnimada Giriigga ee Greek Super League.

Kooxdiisa cusub ee Gremio ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxa ay ku soo dhoweysay ciyaaryahankan, iyadoo xaqiijisay inay gacanta ku soo dhigeen xiddigan ku guuleystay Champions League.

Rafinha oo kaliya afar jeer u saftay xulka qaranka Brazil ayaa waayihiisii ciyaareed kooxaha uu ku soo qaatay waxaa ka mid ah Bayern Munich, Genoa, Schalke iyo kooxo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close